daajis.com:- Waxaa goor dhow diyaarad helicopter ah oo Muqdisho ka qaatay Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan xukuumadda ayaa gaaray degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ugu sii horeeyay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.
Ka hor inta husan gaarin Madaxweynaha degmada Afgooye ayaa waxaa aad loo adkeeyay amaanka magaaladaasi iyadoo saakay la xeray isu socodka gaadiidka ee wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye si loo sugo amniga Madaxweynaha.xasan-sharif-xasan
Ujeedada socdaalka Madaxweynaha ayaa la xiriirta kulamo uu kula yeelanayo xarunta AMISOM ee degmada Afgooye saraakiisha ciidamada AMISOM oo mudooyinkaan xaalad amni xumo iyo weeraro kaga imaanayay Al-SHabaab ay sababeen in ciidamada AMISOM baneeyaan deegaano badan oo Al-SHabaab dib ula wareegtay.
Gudoomiye Ku Xigeenka, ayaa tilmaamay in Madaxweynuhu uu kulamo la leeyahay Saraakiisha Dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana laga wada hadlayaa buu yiri arrimaha ammaanka ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Tan iyo markii uu dhacay weerarkii Al-Shabaab ku qaatay xerada milateri ee AMISOM ku leedahay Janaale, waxaa sii xoogeysanayay cabsida ciidamada AMISOM oo deegaano badan ay faarujiyeen.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:30 and have
, Published at