Daawo Sawirada ” Shirkadda Apple oo soo saartay Telefishin aan nuuciisa horey Dunida loogu arag

Daawo Sawirada ” Shirkadda Apple oo soo saartay Telefishin aan nuuciisa horey Dunida loogu arag

daajis.com:- Shirkadda Apple oo laga leeyahay Dalka Mareykanka ayaa soo saartay Telefishin aan nuucisa horey loogu arag dunida, Telefishinka cusub ee Shirkadu soo saartay ayaa ah mid leh keyd barnaamijyo lagu adeegsan karo.

Tim Cook oo ah madaxa Shirkadda Apple , ayaa daaha ka rogay telefishinka cusub ee soo saartay Shirkadooda, waxa uu sheegay Telefishinkan cusub in taabasho lagu maamuli karo waxa kale uu leeyahay Makarafoon qofka u fududeenaya in codkiisa ku maamulo.

Telefishinkan cusub ayaa ah mid laga heli karo aflaanta ay dadku xiiseeyaan iyo waxyaabaha kale ay daawashooda ay dadku aadka u jecel yihiin, waxaa sidoo kale Telefishinkan cusub laga dheeli karaa video games-ka.



Shirkadda Apple ayaa horey ugu guuleestay soo saarista Telfoono casri ah sida iPhones, saacado casri ah iyo Telefishino, waxaana la filayaa in telefishinkan iyo Telfoono casri ah ay soo saartay shirkadda ay dhawaan suuqa soo galaan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada