Odayaasha Dhaqanka G/Hiiraan Oo Kasoo Horjeestay In Ganacsato Lagu Wareejiyo Xerradii Daraawiishta

Odayaasha Dhaqanka G/Hiiraan Oo Kasoo Horjeestay In Ganacsato Lagu Wareejiyo Xerradii Daraawiishta

daajis.com:-  Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, C/fataax Xasan Afrax ayaa amar ku bixiyay in la beenayo xeradii hore ee daraawiishta (Ex Wiil-waal ) ee magaalada Beledweyne oo hadda ah dugsi ay wax ku bartaan tiro ka badan 2200 oo arday ah iyo dhulka ay ku fadhiyaan bakhaaradii ADC-da.

Arrintan oo noqotay Hadal-haynta ugu badan ee Magaalada Beledweyne, ayaa Waxaa War qoraal ah kasoo saaray Golaha Dhaqanka Gobolka Hiiraan oo sheegay in marnaba aysan aqbali doonin sidda ay hadalka u dhigeen in la baneeyo xerrada daraawiishta oo hadda ah dugsiga Hoose, Dhexe Sare ee Mujamac-Dhiiba-Atacliimi iyo dhulka bakhaarada ADC-da.

Sidoo kale, Waxaa HOL xiriir lasoo sameeyay xildhibaanno ka tirsan baarlamanka Somaila oo ku sugan Muqdisho, kuwaasoo si weyn uga soo horjeestay arritan, iyaga oo sheegay aan la iibin karin dhulkaas oo ahaa mid Qaran bulshada oo dhanna u dhaxeeya.


Xubno iyagana ka tirsan maamulka degmada oo warbaahinta kula hadlay Baladweyne ayaa sheegay inaysan ka War-qabin Qorsahan lagu baneynayo Dhulka Xeradii Daraawiishta iyo Bakhaarada ADC-da, waxaa ay dowladda ugu baaqeen in ay arrintan soo fara-galiso.

AKHRISO: Qoraalka kasoo baxay Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan:

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada