Haweeneey Malaay iibisa oo 10 sano lacag aruurineysay si ay usoo Xajiso oo riyadeeda rumowday

Haweeneey Malaay iibisa oo 10 sano lacag aruurineysay si ay usoo Xajiso oo riyadeeda rumowday

daajis.com:- Haweeneey 58 sano jir ah oo iibisa Malaay, ayaa mudo 10 sano ah waxay aruurineysay lacagta ay ka iibiso Malaayga, si ay mar uun ugu safarto magaalada barakaysan ee Maka Al-mukarama, kadibna usoo Xajiso.

Haweeneydaan oo u dhalatay dalka Ugandha ayaa 10 sano kadib hada nasiib u yeelatay iney ka mid noqoto xujeyda sanadkaan, waxayna ineysan Kampala ka dhoofin u hadashay saxaafada iyadoo cabireysa dareenkeeda, waxayna tiri sidaan.

“,,,Ma awoodo sugitaanka inaan gaaro Maka Al-mukarama oo aan arko Qabrigii Nabiga SCWS iyo Buurta Carafo oo aan kasoo cabo Biyaha ZamZam,,,”

Haweeneydaan oo 58 sanojir ah laguna magacaabo Kasifah Nankumba, ayaa u warantay wakaalada wararka ee Turkiga laga leeyahay Anadolu, ayaa sheegtay ineey aad u xamaasadeysan tahay una faraxsantahay, in 10 sano kadib riyadeedi u rumoowdo.

Kasifah NankumbaqHaweeneydaan oo meel yar oo ganacsi ku leh deegaan ku dhow magaalada Kampala, islamarkaasna mudo 28 sano ah ku jirtay shaqada iibinta Malaayga, ayaa 10-kii sano ee lasoo dhaafay waxay maalin walbo Bangiga dhiganeysay lacag aad u yar, si ay mar uun usoo xajiso.

Kasifah Nankumba, ayaa sanadkii 2006 waxaa kusoo dhacay fikir ah ineey mar uun soo xajiso, waxayna markaas bilaawday ineey aruursato lacag.

Sheekada Haweeneydaan ayaa waxay gaartay nin Xaaji ah oo ku nool Uganda, kaasoo kaalmeeyda dadka doonaya ineey soo xajiyaan, waxaana uu lasoo sameeyay xiriir si uu gacan uga siiyo gudashada xajka.

Ninkaan oo lagu magacaabo Xaaji Muusa, ayaa Haweeneyda kula teliyay ineey sii wadato aruurinta lacagta, si ay usoo xajiso.

Kasifah Nankumba, waxay sheegtay in Isbuucii ay aruurin jirtay lacag cadadkeedu u dhaxeeyo 4-5$.

Kasifah ayaa sanadkii 2009 waxay baadigoob u gashay nin loo sheegay inuu isna caawiyo dadka jecel ineey soo xajiyaan.

Laba maalmood oo ay ninkaas raadineysay, ayay heshay Gurigii uu deganaa, laakiin nasiib xumo markii ay la kulantay una sheegatay damaceeda iyo rabitaankeeda, ayuu uga cudur daartay, wuxuuna u sheegay inuusan caawin karin.

Ugu dambeyn Kassifah Nankumba, ayaa waxaa u rumoowday riyadeedi ay mudo ku taameysay, waxayna sanadkaan kamid noqotay Xujeyda Uganda ee soo gudaneysa waajibaadka Xajka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada