daajis.com:- Wasaaradda arrimaha dibada Poland ayaa xaqiijisay in labo ka mid ah muwaadiniintooda ay ku geeriyoodeen qaraxii habeen isniintii ka dhacay kontroolka laga galo xarunta Madaxtooyada, kuwaasoo ka mid ahaa xubnihii ka qeybgalay munaasabadii saxiixii heshiiskii madaxda dowladda iyo maamulada dalka ku gaareen Muqdisho.
Xoghayaha arrimaha dibada ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha Poland, Chancellery Marek Biernacki ayaa sheegay in labo muwaadin oo asal ahaan kasoo jeeda dalalka Soomaaliya iyo Falastiin ay ka mid ahaayeen dadkii ku dhintay qaraxa, isla markaana ay u joogeen Muqdisho howlo shaqo.
Ruuxa Soomaaliga ee dhintay ee dhalashada Poland haystay ayaa lagu magacaabi jiray C/qaadir Faarax Gabeyre.
![]() |
Marxuum C/qaadir Faarax Gabeyre
|
Qaraxan oo ay ku dhibteen 13 qof ayaa waxaa sheegtay Al-Shabaab, iyagoo tilmaamay in ujeedadii laga lahaa in ay aheyd in lagu laayo xubnaha ka qeybgalay shirkii wadatashiga ee Villa Soomaaliya ugu socday Madaxda dalka iyo maamulada gobolada.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:00 and have
, Published at