Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo markale ku dhagay Jubbaland “Dad Gaar ah ayay kaxeyneysaa”

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo markale ku dhagay Jubbaland “Dad Gaar ah ayay kaxeyneysaa”

daajis.com:- Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah xubnaha baarlamaanka ee sida aadka ah kaga soo horjeeda maamulka Jubbaland ayaa markale eedeyn u jeediyay xubnaha maamulka Jubba ee dhawaan shaaciyay in Kismaayo laga musaafurinayo haweenka ay qabaan Alshabaab.

Xildhibaanka ayaa ku eedeeyay maamulka Jubbaland iney marmarsiiyo ka dhiganayaan lixdanka haween ee la doonayo in laga kaxeeyo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose yihiin dad danyar ah.

Daahir Amiin Jeesow oo ayaa sheegay in xubnaha baarlamaanka looga baahan yahay iney la xisaabtan dhab ah ku sameeyaan dhibaatada ciidamada Jubbaland ka geysanayaan magaalada Kismaayo ee gobolka jubbada Hoose.

Xildhibaanka ayaa dhinaca kale sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay kala xisaabtamayaan dhibaato uu sheegay in lagu hayo Shacabka Magaalada Kismaayo.


Daahire Jeesow ayaa intaa ku daray in dadka ku hoos nool maamulka Jubb ay dhibaato badan ku qabaan maamulkaasi oo dil iyo gaboodfal kaleba isugu dara.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada