Kooxda Yahuuda ah ee Chelsea la ciyaareysa Champions league oo takoortay Muslimiinta Syria (Sawir)

Kooxda Yahuuda ah ee Chelsea la ciyaareysa Champions league oo takoortay Muslimiinta Syria (Sawir)

daajis.com:- Kooxda Reer Israeli ee la ciyaareysa Arbacada Kooxda Chelsea Champions league ee Maccabi Tel Aviv ayey taageerayaasheeda sameeyeen isbuucaan fal cunsurinio ah oo ay ku takoorayaan dadka Muslimiinta ee ku nool dalka Syria.

Iyadoo kooxaha Arsenal iyo Everton ay soo bandhigayeen maalmahan taageerada ay u hayaan dadka Syria ee dhibaateysan loona gurmado ayey taageerayaasha kooxdan Israeli waxaa ay soo qorteen boorar ay ku qoran yihiin yaan lasaan dhaweynin dadka Syria.

Boorarkan ayey soo bandhigeen kulankii ay la ciyaarayeen kooxda Kiryat Shmona.


Ra’iisul wasaaraha dalkaas Benjamin Netanyahu ayaa isbuucii hore sheegay inuu dhisayo xayndaab 18 Mile oo ay isaga ilaalinayaan in dalkooda ay soo galaan qaxootiga faraha badan.

Kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa iyagana muujiyay  xalay taageerada ay u hayaan dadka Syria laakiin taageerayaasha kooxdan Chelsea la ciyaari doonta ee Maccabi Tel Aviv ayaa kasoo horjeeda in la caawiyo dadkaas.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada