Laanta socdaalka Somalia oo ka digtay xarumo Magafe uu ku leeyahay dalka

Laanta socdaalka Somalia oo ka digtay xarumo Magafe uu ku leeyahay dalka

daajis.com:- Jen. C/laahi Gaafoow oo ah madaxa laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, ayaa waalidiinta Soomaaliyeed ugu baaqay ineeysan caruurtooda u gacan gelin Magafayaasha ka baayac mushtara Tahriibayaasha Soomaaliyeed ee Liibiya sii mara.

Sidoo kale Jen. Gaafoow, ayaa sheegay in kooxda Magafayaasha ay xafiisyo qarsoodi ah ku leeyihiin magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka, islamarkaasina ay ku raad joogaan, cidii lagu tuhmana sharcigala horkeeni doono.

“Horta tahriibka waa la soo yareeyay waxaa la rabaa marka waalidiinta iney gacan ka geystaan in ilmahooda aysan u ogolaan ma gefayaasha, marki liibiya lagu qabsado ilmahooda wa welwelayaan” ayuu yiri Jenaraal Gaafoow.

Wuxuu ku boorriyay dhalinyarada Soomaaliyeed ee aqoonta leh iyo bulshada qeybaheeda kale iney hey’adda kala shaqeeyaan oo ay gacan ka siiyaan soo qabashada kooxaha tahriibiya dhallinyarada kaddibna u gacan geliya ma gefayaasha kuwa loo yaqaano.

Labo maalin ka hor ayaa magaalada Boosaaso lagu qabtay rag gacan saar la leh Magafe oo dadka ka tahriibaya deegaanada Puntland, kuwaasi oo xabsiga la dhigay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada