Madaxweynaha & R/wasaaraha oo go’aamiyay shirka wada tashiga Kadib fashilkii shirka Kismaayo?

Madaxweynaha & R/wasaaraha oo go’aamiyay shirka wada tashiga Kadib fashilkii shirka Kismaayo?

daajis.com:- Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa go’aankaasi kaga dhawaaqey magaalada Kismaayo, kadib kulan gaar ah oo wadatashi oo dhex marey madaxda qaranka iyo madaxda maamullada Koonfuur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Jubba, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Puntland, Cabdiweli Maxamed Gaas oo dhamaantood ku sugnaa Kismaayo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in madaxdu  isku afgarteen waqtiga oo ku yar dartiis  iyo howlo badan oo qabasho u baahan in la  dardar geliyo qorshaha siyaasadeed ee loogu gudbayo hiigsiga cusub, lagana  qeyb geliyo bulshada Soomaaliyeed laga qeybgelinayo.

Shir lagu waday inuu Kismaayo ku dhex maro maanta madaxda dowladda federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa u baaqday diidmo ka timid madaxweynaha Puntland oo qaadacay shirka isagoo ku adkeystay inuusan u tegin Kismaayo wa ka baxsan caleemo saarka Axmed Madoobe. Arrintaan ayaa waxaa ugu wacnaa isagoo diidan madaxweynaha Galmudug oo shirka qeyb ka ahaa.

Shirka jaraa’id ayaa noqday mid soo khatimay  kala taggii madaxda oo helay qaab ay isku macsalaameeyaan kadib kulankii isugu keenay Kismaayo dhammaantood .

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada