daajis.com:- Wilfried Bony ayaa bilaabi doona tababarka Manchester City maanta galinka dambe iyadoo ay macquul tahay inuu ka mid noqdo liiska ciyaartoyda qeybta ka noqonaya kulanka Crystal Palace ee sabtida.
Weeraryahankaan reer Ivory Coast ayaa dhaawac kaga maqnaa kooxdiisa labadii isbuuc ee lasoo dhaafay kadib markii dhaawac dhanka jilibka ah uu soo gaaray.
Bony waxaa la qiimeyn doonaa 48-da saac ee soo aadan, waxaana rajo laga qabaa in dib loogu soo dhaweeyo City kulanka Crystal Palace ay martida u noqon doonaan galabta Sabtida.
Sergio Aguero ayaan soo gaari karin Magaalada Manchester ilaa subaxa jimcaha waxaana sidoo kale kusoo fool leh kulanka Juventus ee Champions League-ga taasna waxey muhiimad ka dhigeysaa caafimaad qabka Bony si loo isticmaalo kulanka Palace.
Dhanka kale City waxey xagaagan horyaalka ku bilowday si fiican madama ay afartii kulan ee horyaalka dhamaan guul gaartay haatana waa hogaamiyaha EPl-ka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:00 and have
, Published at