Daawo Sawirada Dad Careesan oo Turkiga ku weeraray Xarumaha Xisbiga HDP iyo Xarunta Wargeyska Xuriyat

Daawo Sawirada Dad Careesan oo Turkiga ku weeraray Xarumaha Xisbiga HDP iyo Xarunta Wargeyska Xuriyat

daajis.com:- Dad careesan oo watay calanka Dalka Turkiga ayaa weerar waxa ay ku qaadeen Xarumo uu xisbiga Taageera Kurdiyiinta ee HDP ku lahaayeen qeybo kamid ah Dalka Turkiga.

Dhismo xarun u aheed xisbigaasi oo kuyaalay Magaalada Ankara ayaa waxaa weeraray boqolala dad ah, waxaana xubno katirsan Xisbigaasi ay sheegeen in xaruntooda dab la qabad siiyay , waxaa sidoo kale la weeraray xarumo kale uu xisbigaasi ku lahaa Magaalooyin kale oo Turkiga kuyaala .

Dadka careesan ee weeraray Xarumaha uu xisbiga HDP ku leeyahay Magaalooyin kuyaala Dalka Turkiga ayaa ka careesan taageerada uu xisbigan u fidiyo kooxaha kurdiyiinta ee dagaalka kula jira Ciidamada Turkiga.

Dhinaca kale dad kale oo iyana rabshado sameenayay ayaa markii labaad mudo isbuuc gudihiis waxa ay weerar ku qaadeen xarunta wargeyska Xuriyat oo kuyaala Magaalada Istanbul, waxaaa xarunta Wargeyska loo geestay bur bur xoogan.





Rabshadahan lagu weeray xarunmaha Xisbiga taageera Kooxaha Kurdiyiinta ayaa imaanaya xili ay kordheen weerarada ay kooxda PKK ee laga mamnuucay dalka Turkiga ku qaadeyso Ciidamada amaanka Dalkaasi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada