daajis.com:- Fagaaraha qeybtiisa 18aad ayaa ahaa mid aad u xiiso badan waxaa soo agaasimay Sadik Warfaa, wuxuuna todobaadkani isu keenay Aqoonyahano, Siyaasiyiin, iyo Culumaa’udiin wuxuuna kusoo aaday xili dalka Soomaaliya uu marayo marxalad aad u kala duwan.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Qodobada laga dooday waxaa ka mid ahaa Maxay Noqon Kartaa Jihada Siyaasada Soomaaliya ee 2016, Saamaynta Dowlad Goboleedyada Ma keeni kartaa Kala Qoqobka Soomaaliya? Sidee Soomaaliya isugu imaan kartaa Dowlad ay ku mideysan yihiin iyo qodobo kale oo muhiim ah, Waxaana ka qeyb galay
Culumaa’udiin iyo Siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen Muftiga weyn ee Soomaaliyeed Sheekh Maxamed Idiris Axmed, Madaxa Dalada Culumada Soomaaliyeed ee Waqooyi Amerika Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Cumar, Wasiirkii hore ee Waxbarashada Xukumadii Farmaajo Abdinur Sheekh Maxamud, Prof Hodan Ciise oo Macalin ka ah jaamacad ku taala Buffalo New York, iyo Prof Maxamed Muqtar kuwaasi oo dhamaantood ka qeyb galay Doodii Fagaaraha Qeybtiisa 18aad ee uu soo Agaasimay Sadiiq Warfaa.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:00 and have
, Published at