Mesut Ozil Oo Gacanta Ka Taagay Inuu U Qalmo €50 milyan Ee Ay Arsenal Ku Soo Iibsatay Sanadii 2013

Mesut Ozil Oo Gacanta Ka Taagay Inuu U Qalmo €50 milyan Ee Ay Arsenal Ku Soo Iibsatay Sanadii 2013

daajis.com:- Mesut Ozil ayaa gacanta ka taagay inuu u qalmo qiimihii ay kooxdiisa Arsenal kasoo bixisay markii ay kala soo wareegeysa kooxda Real Madrid xagaagii 2013 ee aheyd €50 milyan ee euro una dhiganta £42.5 milyan oo pound ka ingriiska.

Ozil ayaa Gunners ku qaatay labo xili ciyaareed wuxuuna inta badan qaab ciyaareedkiisa ahaa mid aanan fadhinin, isagoo marna ku jiray qaab ciyaareed aad u fiican marna ku iray qaab ciyaareedn aan fiicneyn taasoo keentay inuu eedeymo la kulmo mararka qaar , mararka qaarna uu eedeymahaas kaga jawaabo garoonka dhexdiisa.

Isagoo la hadlayay The Express Ozil ayaa sheegey inuusan jirin ciyaariyahan u qalma in laga bixiyo 50 milyan o Euro wuxuuna yiri “Majiro ciyaariyahan u qalma €50 milyan, waa inaan taxadar muujinaa, waan in taxadar laga muujiyaa kubada cagta, ma aha inaan qiimaheena lumino”

Dhanka kale Ozil ayaa yareeyay rajada Arsenal kulanka ay ka hor imaanayaan kooxda Bayern Munich ee tartanka  Champions League iyo in kooxdiisa ay ku dhameysan karto kaalinta koowaad ee guruunkooda, wuxuuna yiri “”Bayern waa mid kamid ah kooxaha ugu xooga badan dunida kubada cagta, waxay garaci karaan cid waliba oo ka hor timaada, kooxo kale wey jiraam, laakin maxaa diidaya in Bayern ay ku guuleysato koobkaan sanadkaan ? waa mid kamid ah kooxaha ugu cad cad”.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada