daajis.com:- Sadex sano ayaa kasoo wareegatay markii ay Baarlamanka Soomaaliya doorteen M/weyne Xasan Sheekh Maxamuud.. Bishii Sebtember 10-keedii sanadkii 2012 ayayna ahayd, isagoona 190 cod kaga guuleystay Shariif Sheekh Axmed oo isaguna helay 79 cod.
M/weyne Xasan Sheekh Balamadiisi waxaa ugu waa weynaa ee waqtigaasi uu sameeyay, inuu wax ka qaban doono dhinacyada amaanka, Cadaalada, dhaqaalaha iyo la dagaalanka Musuq maasuqa isagoona wax yar kadib sheegay in doowladiisa aaney soo mari doonin khilaafyadii horay u ragaadiyay doowladihii isaga ka horeeyay oo uu sheegay in waqti badan uu kaga lumay khilaaf u dhaxeeya M/weynaha & R/wasaaraha.
Waxaa kaloo balamadiisi kamid ahaa in doowladiisa ay dalka ku hogaamin doonto sidii loo gaari lahaa doorasho qof iyo cod ah sanadka 2016-ka.
Somalias-new-president-Ha-012Balamadaasi ayaa marka la fiiriyo gabi ahaanba waxba ka fulin oo uu M/weynaha ku guul dareystay fulintooda sida dadka qaarkiis ay qabaan, waxaana kamid ahaa khilaafka Madaxda dhexdooda ah, la dagaalanka musuq maasuqa iyo cadaalada, sidoo kale amaanka ayaa la sheegaa ineeysan doowlada wax badan ka qaban.
M/weyne Xasan hada waxa uu marayaa R/wasaarihii sadexaad iyadoo qaar kamid ah xubnaha Baarlamanka Federaalkana ay M/weynaha ka keeneen Mooshin ka dhan ah oo ay doonayaan inuu xilka uga dago.
Dhinaca kale Musuqa ayay dad badani qabaan inuu aad ugu xooganyahay doowlada uu hogaamiyo M/weyne Xasan Shiikh.
Qiimeynta ay sameeyaan Hay’adaha eega Doowlad wanaaga iyo Musuq maasuqa, ayaa Soomaaliya waxa ay ka gashay halka ugu hooseysa , inkastoo ay doowlada wax badan qabatay hadana dadka qaarkiis ayaa qaba in wax badan ay dhimanyihiin.
Hadaba maxaa doowladaan uu M/weynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud u qabsoomay sadexdii sano ee lasoo dhaafay maxaase laga filayaa sanadka u haray?
Halkaan ka dhagayso faaqidaad arimahaas ku saabsan oo ay Idaacada VOA-da u qabatay masuuliyiin ka tirsan DF, Siyaasiyiin u dhaqdhaqaaqa arimaha bulshada.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 16:30 and have

