daajis.com:- Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in Ciidamada isbaarooyinka dhigta wadooyinka Gobolka Shabeellaha Hoose ay ku qasabtay xuquuqdii ay ku lahaayeen dowladda oo aysan ka helin.
Shariif Xasan oo ka mid ahaa wafdigii Madaxweynaha uu hogaaminayay oo shalay booqday Afgooye ayaa is weydiiyay askari qori loo dhiibay oo aan xuquuqdiisa helin waxa uu sameyn karo, isagoo xusay inay iska cadahay inuu dhibaato geysto.
“Askari qori loo dhiibay oo baahan, waxaa suura gal ah inuu dhibaato u geysto shacabka, maxaa yeelay xuquuqdii uu lahaa ma helin, waxaa rabnaa marka dowladda inay mushaaraadka ay siiso ciidamada”ayuu yiri Madaxweyne Shariif Xasan.
Sidoo kale Madaxweyne Shariif Xasan ayaa sheegay in si looga hortago isbaarooyinka yaala gobolka Shabeelaha hoose ciidamada Dowlada la siiyo mushaaraadkooda, isagoo ka dalbaday dowladda Soomaaliya inay arrintaas fuliso.
Odayaasha dhaqanka Shabeellaha Hoose ayaa codsaday in la qaado isbaarooyinka ay soo dhigteen ciidamada, iyagoo ka codsaday Madaxweyne Xasan Sheekh in arrintaas wax ka qabto.
Darawalada gaadiidleyda ee isticmaasha wadooyinka Gobolka Sh/Hoose ayaa inta badan ka cabanayay dhibaatooyin ay kala kulmaan ciidamo ka tirsan dowladda oo lacago fara badan uga qaadaa isbaarooyin yaalla wadooyinka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 23:59 and have

