Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhoweeyay Kismaayo: Sawirro

Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhoweeyay Kismaayo: Sawirro

daajis.com:- Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo, oo la filayo in beri ay ka dhacdo xafladda caleema saarka Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed MAdoobe.

C/weli Gaas ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxaana uu beri ka mid noqonayaa wafdi ka qeybgalaya caleema saarka Axmed MAdoobe.gaas-kismaayo-1

Sidoo kale waxaa maanta gaaray Kismaayo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo aan la ogeyn in Madaxda sare ee Dowladda Fedraalka ka qeybgeli doonaan, marka laga reebo wasiirada.

Shariif XAsan oo isna ah Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa la sheegayaa in uusan tegi doonin xaflada caleema saarka, inkastoo isaga iyo MAdaxweyne Xasan Sheekh culeys lagu saaray ka qeybgalka xafladaasi.gaas-kismaayo-10

C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe ayaa taageerin Maamulkii Galmudug ee lagu dhisay Cadaado, isla markaana ka qeyb gelin caleema saarkii madaxweyne Guuleed, iyadoo u diiday qaab beeleed.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada