daajis.com:- Mid ka mid ah xaafadada ay Soomaalida degan yihiin ee Minneapolis, gaar ahaan Cader Riverside ayaa waxaa laga badalay magacyada Seddax wado oo ku yaal xaafadaas, iyadoo loo kala bixiyay SOMALI STREET, TALEEX AVE iyo OROMO STREET.
Xafladda daahfurka wadooyinkan loo bixiyay magacyada Soomaalida iyo Oromada ayaa waxay beri oo sabti ah ka dhici doontaa waddada Cedar 6th Street illaa Riverside.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota ayaa soo dhoweeyay badelida magacyada wadooyinkaan ee loo badalay magacyada Soomaalida, waxayna tani muujineysaa awooda dadka Soomaaliyeed ee ka dhex muuqda gobolkaasi.
Cabdi Warsame oo xubin ka tirsan golaha deegaanka ee laga soo doorto Minneapolis ayaa sheegay in ummad walba meesha ay tagto ay haboon tahay in ay raad ku yeelato.
“Waxaan rabnaa in ilmaheenna ku dhalanaya Mareykanka ay iska dhex arkaan raaadkooda; kasoo ah magaca na middeeya ee Soomaali. Sababta ay Taleex u doorteenna ay tahay magaalo taarikhi ku ah marka Halganka Wadankeena laga hadlayo; isagoo magaca Oromana ku koobay waa Qowmiyad Walaalaheen ah.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 01:00 and have

