Qaramada Midobay oo markii ugu horeysay ka Farxisay Falastiin & Calanka Falastiin oo..

Qaramada Midobay oo markii ugu horeysay ka Farxisay Falastiin & Calanka Falastiin oo..

daajis.com:- Xubnaha golah guud e Q,M ayaa u codeeyay in calanka Falastiiniyiinta laga taago xarunta Q,M ku shaqayso ee New York markii ugu horeysay.

Cod laga qaaday ergada wadamada xuvnaha ka ah Q,M ayaa waxaa ogolaaday 119 wadan halka ay kasoo horjeesteen 8 wadan oo ay ku jiraan Yahuuda iyo Maraykanka.

Ugu dambeyn gudoonka shirka ayaa ku dhawaaqay in calanka Falastiin laga taagi doono xarunta Q,M gaar ahaan halka ay ka taagan yihiin calamada wadamada Q,M ku jira.

Wakiilka dawlada u fadhiya Q,M Riyaad Mansuur ayaa ka sheegay magaalada New York in tani ay u tahay tilaabo ay ku gaarayaan dawladnimada Falastiin

Yahuuda ayaa kasoo horjeesatay go’aankaan waxaana ay  ku dhawaaqday in mar kale cod la galiyo.

Hadda in ka badan 135 wadan oo ku jira Q,M ayaa aqoonsan dawladnimada Falastiin.

Yahuuda ayaa dhulka Falastiiniyiinta intiisa badan xoog ku haysata si joogto ah ayayna u gumaadaa dadka Falastiiin.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada