daajis.com:- Quburo Seynisyahano ah oo u dhashay Dalka Koonfur Afrika ayaa helay haraaga wax la sheegay in ay u egyihiin dad aan horey loo aqoon oo dhulka hoostiisa ku aasan.
Seynisyahanada ayaa helay qeybo kamid ah qalfoof ku jiray god aad u yar aan la gali karin oo ku yaala meel ana ka fogeyn Magaalada Johannesburg ee xarunta Ganacsiga Dalka Koonfur Afrika.
Qalfoofta dadka la helay ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwa maskax yar oo qaarada Afrika ku noolana jiray mudo sadax milyan oo sano kahor.
Professor Lee Berger, oo ah ninka hogaaminayay sahankan ayaa sheegay in cadden la helay ay muujisay in dadkaas hore oo lagu magacaabi jiray, Homo naledi, ay xataa meydkooda aasi jireen-- taasina ay tahay wax aad u wanaagsan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 16:00 and have



