daajis.com:- Magaalada Dhuuusa-mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud waxaa la soo sheegayaa inay isaga baxeen madaxdii iyo saraakiishii Maamulka Gobolada dhexe ee Ahlu suna.
Sidoo kale Ahlu suna waxay la baxeen dhamaan wixii dhaawacyo ka yiilay isbitaalka Magaalada dhuusa-mareeb halkaasoo lasoo gaarsiiyay maalmihii dagaaladu ka socdeen Magaalada Cabudwaaq.
Sida ay baahisay idaacada Kulmiye Magaalada Muqdisho waxaa jirta cadaadis Dowlada Itoobiya ku saartay Maalka Ahlu-suna inay baneeyaan Magaaladaasi isamarkaana ku biiraan Maamulka Galmudug ee uu hogaamiyo C/kariin Xuseen Guuleed.
Wararka la xiriira Cadaadiska Itoobiyaanka ayaa tilmamay in Madaxweynaha maamulka Gobolada dhexe sh.Maxamed Shaakir inay hor dhigeen labo arin midood inuu qaato inuu ku biiro Galmudug hubkana ku wareejiyo Itoobiyaanka iyo inuu diyaar u noqdo taaabo laga qaado.
Lama yaqaan xaaladaani soo korortay waxa ay kaga dhigan tahay Maamulka Gobolada dhexe oo maalmihii ugu danbeeyay awood is bidiyay.
Sidoo kale waxaa la soo sheegayaa in hada dhuusa mareen duleedkeeda lagu arkayo inta badan ciidamadii Ahlu suna.
Wararku waxay sidoo kale tilmaamayaan in maalmaha soo socda Magaalada Dhuusa Mareeb ay ku soo wajahan yihiin Madaxda Maamulka Galmudug si ay xarunta Gobolka ula wareegaan shaqadoodana ka wadaan.
Dhanka kale wali wax war ah lagama helin saraakiisha iyo madaxda Ahlu suna marka la eego wararkaan soo kordhay.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 15:21 and have

