Xildhibaanada Maamulka Jubbaland oo lagu kordhiyay toban xildhibaan

Xildhibaanada Maamulka Jubbaland oo lagu kordhiyay toban xildhibaan

daajis.com:- Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa galabta shir jaraa’id oo ku qabtay xarunta madaxtooyada Jubbaland ee magaalada Kismaayo waxa uu ugaga dhowaaqay in la kordhiyay tirada xubnaha Baarlamaanka Jubbaland.

Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” Madaxweynaha Jubbaland ayaa shirkan jaraa’id ka sheegay in tirada mudanayaasha baarlamaanka Jubbaland lagu kordhiyay toban xubnood.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku tilmaamay kordhinta tirada xildhibaanada in ay tahay mid looga golleeyahay qancinta dadka Jubbaland ee saluugsanaa maamulka si xukuumadda cusub ee uu soo dhisi doono ay u noqoto mid si wanaagsan shaqeysa.

“Kordhinta tirada xildhibaanada waaa mid ka soo go’oday maamulka Jubba oo aysan ahayn mid cid kale ku qasabtay.”ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa bartamihii bishii aynu ka soo gudubnay waxaa loo doortay madaxweynaha maamulka Jubba hase yeeshee waxaa ay doorashada dhacday iyadoo baarlamaanka dowlada federalka uu kalsoonida kala laabtay baarlamaanka Jubbaland.

Doorashada kadib ayaa magaalada Kismaayo waxaa booqasho ku tegey ra’iisal wasaaraha dowlada Federalka Cumar Cabdrashid Cali waxana uu wadahadalo kula soo yeeshay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Lama oga in Baarlamaanka Soomaaliya uu ku qanci doono kordhinta tirada xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland uuna siin doono codka kalsoonida. Magaalada Kismaayo xarunta maamulka Jubba ayaa waxaa ka socda diyaargarow xaflada caleemasaarka Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Xaflada caleema saarka madaxweynaha Jubbaland oo lagu wado in maalinta Sabtida ah ka dhacdo magaalada Kismaayo ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan madaxda maamul goboleedyada dalka, waxana berri o Jimce la qorsheynayaa in uu gaaro magaalada Kismaayo madaxweynaha Puntand Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada