War Deg Deg ah:- Xoogaga al-shabaab oo wadada u galay wafdi DF ka tirsan oo Kusii Jeeday..

War Deg Deg ah:- Xoogaga al-shabaab oo wadada u galay wafdi DF ka tirsan oo Kusii Jeeday..

daajis.com:- Xoogaga al-shabaab ayaa maanta wadada u galay wafdi ka tirsan DF oo marayay meel qiyaastii 7km u jirta magaalada B/weyne oo ah xaruunta Gobolka Hiiraan.

Ciidamada DF iyo kuwa Jabuuti oo galbinayay wafdiga, ayaa iska caabin xoogan kala hortegay xoogaga al-shabaab, waxaana halkaas ka dhacay dagaal faraha looga gubtay.

Wafdiga DF ka tirsan ee wadada loo galay, ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa deegaanka Ceel-cali ee isla gobolka Hiiraan.

Inta la xaqiijiyay 2 kamid ah ciidamada DF ee ilaalada u ahayd wafdiga la weeraray ayaa dhaawac soo gaaray, halka al-shabaabkii weerarka soo qaadayna aan la ogeyn khasaaraha gaaray.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada