Video :- Booliiska Maraykanka oo Axmed Maxamed u xiray Saacad uu gurigiisa ku sameeyay

Video :- Booliiska Maraykanka oo Axmed Maxamed u xiray Saacad uu gurigiisa ku sameeyay

daajis.com:- Wiil yar oo 14 jir ah oo lagu magacaabo Ahmed Mohamed ayaa Booliiska magaalada Irving ee dalka Maraykanka ayaa xabsiga dhigeen kadib markii uu gurigiisa kusoo sameeyay, soona alifay saacad, si uu kedis ugu dhigo macalimiintiisa.

Ahmed Mohamed ayaa saacada u sameeyay waxay u muuqaal ekaaday Bam, taasoo ay ka shakiyeen Macalimiinta iyo maamulka Iskuulk Irving MacArthur, waxayna si hoose ugu waceen Boolis oo si garba tuub ah iskuulka looga kaxeeyay.


Wiilkaan yar oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Suudaan, ayaa sheegay inuu aad ugu xun yahay xariga loo geystay, isagoo sheegay in ujeedadiisa aheyd in Macalinkiisa si lama filaan ah ugu farxiyo isla markaana uu fikrad dheeri ah ka sii qaato.

Ururada Muslminiinta ka dhisan dalka Mareykanka ayaa si weyn u cambaareeyay, iyagoo ku tilmaamay in ay noqon karto naceyb Muslinimo, hase ahaatee waxaa socda baaritaano.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada