daajis.com:- Waxaa Saaka dagaal qaraari uu ka dhacay gudaha degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud, dagaalkan ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen Sideed qof oo u badan dhinacyadii dagaalamayay.
Dagaalkani ayaa la sheegay inay ku dhaawacantay in ka badan 15 qof, waxaana maanta magaaladda ka bilawday barakac xoogan.
IMG_0198Dagaalka maalintiisii labaad galay ayaa bilaawday kadib markii uu habeen ka hor Magaalada Caabudwaaq soo gaaray Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha Maamulka Galmudug, C/ladiif C/laahi Warsame (Gacamey).
Xoogaga Ahlu Sunna iyo Galmudug, ayaa weli ku hardamaya gacan ku haynta Magaalada, waxayna waan-waan aan laga quusan weli ka dhex wada Odayaasha Dhaqanka & Waxgaradka Caabudwaaq ku dhaqan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:00 and have
, Published at