Khaliijka Oo Albaabada Silig Uga Xirtay Qaxootiga Suuriya Iyo Yurub Oo… (WARBIXIN WAX BADAN LAGU IFIYAY)

Khaliijka Oo Albaabada Silig Uga Xirtay Qaxootiga Suuriya Iyo Yurub Oo… (WARBIXIN WAX BADAN LAGU IFIYAY)

daajis.com:-  Iyadoo ay jirto in dowladaha khaliijka qaarkood ay go’aan sadeen inaanay tarxiilin dadka reer Suuriya ee ka shaqeeya dalkooda xitaa haddii ay dhacdo Visa-ha ay dalka ku joogeen sida ay sameysay Dowladda Kuwayt oo kale si ay u garab istaagaato dadka ree Suuriya dhibaatada haysata,iyadoo arinkaasi jiro ayaa hadana waxaa sii socda eedeymaha loosoo jeedinayo dowladaha khaliijka ee Naftada ka taajiray inay albaab kooda u firwaayen qaxootiga reer Suuriya iyagoo ay jirto inay wadaagaan Diin iyo Carabnimo intaba, jaraa’idka reer galbeedku waxay isku dayeen inay fasirro kala duwan ka bixiyaan diidista ay diideen dowladaha carbeed inay marti galiyaan qaxootiga Suuriya , iyagoo intooda badani ku tilmaamay sababo Siyaasadeed iyo Mid amni labadaba.

Jariidada la yiraahdo Washington Post ee kasoo baxda dalka Marekanka ayaa waxay warbixin ka diyaarisay lixda dowladood ee khaliijka ugu taajirsan sababta ay u marti galin waayeen qaxootiga Suuriya ee kasoo cararaya dagaalka ahliga ah ee ka socda dalkooda , iyagoo waliba haysta hanti farabadan , waxayna jariidadu ku tilmaantay :”inay tahay xaalad iska indha tird iyo Doonistii siyaasiyiinta ee caawinta shacabka suuriya oo maqan”.

Jariidadu waxay cinwaan ka dhigatay :”Dowladaha Khaliijku Waxba umey Qaban Qaxootiga Suuriya”, lacagta ay ku tabaruceen aadbay u yartahay markii la isku daro dhamaan dowladaha khaliijka ma gaareyso lacagta ay bixiyeen 1-Bilyan Oo Dollar, markii la barbar dhigo lacagaha tirada badan ee ay ku bixiyaan dagaalka Yemen lacagahaas oo ay hurayaan wadamada Sucuudiga iyo Emarat-ku , waxayna Jariidadu tiri Mareykanka oo kaliya ayaa bixiyay lacag intaa ka badan Afar-jibaar .

“Cabsida Sucuudiga haysa Yurubna wey haysaa , waxaana laga wada baqayaa in qaxootigu saameyn aan wanaagsaneyn ku yeesho suuqa shaqaalaha , sidaas oo kale waxaa laga cabsi qabaa in argagixiso kusoo dhuumato amaankana ay saameyn ku yeelato”markaa arinkaasi wax cudur daar ah uma noqonayo dowladaha khaliijka ee iyagu albaabada ka xirtay qaxootiga Suuriya ee dhibaateysan”.

Waxay tiri jariidadu intaa ku dartay ”Ma jirto sabab macquul ah oo lagu diidi karo qaxootiga Suuriya , mana jirto sabab ay dowladaha khaliijka ee qaniga ahi ay ku qaabili waayaan qaxootigaas, waa xaalad aan dan iyo muraad laga lahayn isla markaana doonistii Siyaasiyiintuna ay ka maqan tahay”.


Jariidadu waxay adeegsatay sawir kaartoon ah oo uu Twitterka u isticmaalay «Kenneth Ross» agaasimaha Human Rights Watch, saawirkaas oo ku jeesjeesaya dowladaha khaliijka waxaanuu muujinayaa in dowladahaasi ay silig ku xirteen Albaabkooda iyagoo diidan in qaxootigu u soo dhawaado isla markaana waxaa sawirka ku jira mas’uul carab ah oo dariishadda madaxa kasoo dhiibanaya isagoo farta ku taagaya Albaabka laga soo galo dowladaha Yurub oo ay taagan tahay qof dumar ahi oo suuriyaan ah canug yarna wadata oo daruufaysan isagoo leh masuulkaasi :”Maad Albaabka U furtaan ?hadda Fura!”.

Washington Post” waxay sheegtay Adduunkoo dhani waxa uu ku mashquulay dhibaatada haysata dadka qaxootiga ah ee Yurub kusoo qulqulaya si aan hore loo arkin laga soo bilaabo dagaalkii 2-aad ee Dunida , saawirka xanuunka badan ee laga soo qaaday ilmihii yaraa ee suuriyaan ka ahaa “Elan Kurdi”,dad badani waxay mas’uuliyadda dusha ka saareen reer galbeedka , laakiin dowladaha khaliijka ee Qaniga ahi mey helin canaantii ay mudnaayeen iyagoo waliba carab ah.

Jariidadu waxay soo bandhigtay warbixin kasoo baxday Amnesty International iyo «Kenneth Ross» oo ah agaasimaha Human Rights Watch qoraal uu kusoo daabaceen bogooda Towitter-ka in ”Dowladaha Khaliijka ee qaniga ah, Qatar, Sucuudiga, Emarat-ka, Kuwait, Cumaan , Baxreyn , inaaney sameyn wax dib u dajin ah Qaxootiga Suuriya”

Muxalilka weyn ee dhanka siyaasadda ee carbeed la yiraahdo “Suldaan Sucuud Al-Qaasimi” ayaa jariidada u sheegay inay dowladaha khaliijku ay leeyihiin Miisaaniyadaha ugu ballaaran ee Ciidanka dhanka Dunida carabta , dhanka noloshana waa dowladaha ugu taajirsan caalamka , waxaana jirta in dowladda Emarat-ku ay dad carbeed dib u dajin u sameyso isla markaana la dajiyo Emarat-ka.

Jariidadu waxay intaa ku dartay “Dowladaha khaliijku kama gacmo marna dhibaatada dagaal ee Suuriya , siyaabo kala duwan ayay dagaalka ugu jiraan ;waxaan cidna ka qarsoonayn kaalinta maalgalineed ee mucaaridka Suuriya iyo islaamiyiinta mayalka adagi ka helayaan dowladaha khaliijka dagaalka ay kula jiraan Dowladda Suriya iyo Bishaar al-Asad”.

Jariidadu waxay xustay “in dowladahaa khaliijka ah aanay saxiixin heshiiskii Qaramada Midoobay ee xuquuqda dadka Qaxootiga ah ee soo baxay 1951-dii , heshiiskaas oo dhigaya qeexidda waxa loo yaqaanno qaxooti xuquuqdiisana ilaalinaya, in la badbaadiyana waajib ka dhigaya”.

in la tago dowladaha khaliijka waxaa lagama maarmaan ah inaad haysato dalku gal iyo codsi , arrinkaas oo adag marka aad eegto daruufta maanta taagan “.

Warbixin ay soo saartay BBC-da ayaa lagu yiri:”Dowladaha kaliya ee dadka Suuriya loo ogalyahay inay Visa la’aan ku galaan inay tahay Al-jeria, Muritania,Sudan, Yemen , kuwaas oo dhamaantood ku adag dadka reer Suuriya inay gaaraan ama ay nolol ka helaan .

Jariidada Washington Post waxay warbixiteeda kusoo gabagabeysay :”Dowladaha khaliijku waa inay is gartaan , waxaana la gaaray wakhtigii siyaasadda isbadal lagu sameyn lahaa isla markaana albaabada loo furi lahaa Qaxootiga Suuriya, waa talaabo Bani’aadam-nimo iyo akhlaaq wanaagsan oo loo baahan yahay in la qaato”.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada