Xeer Ilaaliyaha Guud oo uga digay Hey’addaha dowladda inay Akoono ka sameystaan Bangiyada gaarka

Xeer Ilaaliyaha Guud oo uga digay Hey’addaha dowladda inay Akoono ka sameystaan Bangiyada gaarka

daajis.com:- Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir ayaa uga digay Hey’addaha dowladda inay akoono ka sameystaan Bankiga gaarka loo leeyahay, isagoo xusay in cidii lagu helo laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan

Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in hey’adaha dowladda looga baahan yahay inay akoono ka furtaan Bankiga Dhexe oo ah buu yiri halka laga ogaan karo dakhliga ku baxa, maadaama uu yahay Banki ay dowladda gacanta ku heyso

“Hay’adaha dowladda akoono kama furan karaan bankiyada sida gaarka ah loo leeyahay sida Dahabshiil iyo meelo kale, waa in la xoojiyaa bankiga dhexe, ciddii lagu hela in shirkad gaar ah ay akoono ka furato laga qaadi doono talaabo sharci ah, ciddii lagu hela waa fal dambiyadeed”ayuu yiri Dr. Axmed Cali Dahir.

Dr. Axmed Cali Dahir ayaa sidoo kale sheegay in aan la ogolaan doonin waraaqaha canshuurta lagu qaado ee aan loo marin hab sharci ah, isla markaana ay noqoto mid shaqsiyaad ay sameystaan oo lacago gaar ah ku qaataan.


“Cidna loomaa ogolaan doono in uu jeebka ku rito lacaga canshuurta ee dadka laga qaadayo, lacagaasi dadka wax lagaga qaaday, waa in dadku loogu adeegaa oo aan lagu dhibin lacagaha uu ku rabay in shati uu goosto, mana ogolaaneyno in qofkasta oo Wasaaradda u shaqeeya in muwaadinka lagu dhibaateeyo, waxa ay xaq u leeyihiin oo ah inay helaan adeegyada aas aasiga u ah bulshada, qofka sharci soo maranaya aan lagu xujeynin in lacago laaluush laga qaato”

Ugu dambeyn Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in howl wadeenada hey’adaha dowladda looga baahan yahay inay bulshada u adeegaan, balse aan loo baahneyn inay dhibaato u geystaan oo lacago laaluush ah laga qaato.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada