XOG: Mooshin kale oo loo gudbiyay Baarlamaanka Soomaaliya

XOG: Mooshin kale oo loo gudbiyay Baarlamaanka Soomaaliya

daajis.com:- Wararka ka soo baxaya caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in ku dhawaad 126 ka tirsan mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya ay saxiixeen Mooshin lagaga soo horjeedo Mooshin ay horay mudanayaal gaaraya 93 Xildhbaan ka keeneen madaxweyne Xasan Shiikh.

Mooshinkan cusub ee lagaga soo horjeedo mooshinkii laga keenay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud waxaa loo gudbiyaay Gudoomiyaha Baarlmanaka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari.

Arrintan ayaa cirka ku shareerisay mooshinkoo horay looga keenay madaxweynaha dalka Xasan Shiikh.

Waxaa la filayaa in labada garab ee Xildhibanada hadda ay u kala jabeen uu garab awood bato kaa oo loo dayo mooshinka waxaana mar walba dhici karta in Mooshinka lagu difaacayo Xasan Shiikh uu guuleysto.

Waa markii  horeysay oo arrin noocaan oo kale ah ay ka dhex dhacdo gollaha Shacabka Soomaaliya waxaana uu xaalka u muuqdaa Mooshin, Mooshin baa kaa celsha.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada