Wasaarada Arrimaha gudaha oo ku dhowaaqday in shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe dib loo dhigay

Wasaarada Arrimaha gudaha oo ku dhowaaqday in shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe dib loo dhigay

daajis.com:- Wasaarada Arrimaha Gudaha Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in dib loo dhigay shirkamaamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Afhayeen Wasaarada Arrimaha Gudaha C/fataax Daahir Mire ayaa sheegay in sababo badan awgeed dib loogu dhigay shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Hase yeeshee afhayeenku ma carabaabin xilliga la qaban doono shirka oo la qorsheynayay in uu bilowdo 1da bisha September.Taasoo shaki weyn gelinaysa qabsoomida shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Qabashada shirkan ayaa waxaa hareeyay khilaafyo isdabajoog ah waxaana shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe lagu heshiin waayay qaabka loo soo xulayo guddiga farsamada shirka.




Guddoomiyaasha labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe C/fataax Xasan Afrax iyo Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa labaduba waxa ay haatan ku sugan yihiin magaalada Muqdisho.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada