daajis.com:- Haay’adda Al-Aqsa ee Waqafja iyo aataarta ee Falastiiniyiinta ayaa si aad ah u adag uga digtay maqaaxi aay Yuhuudi leedahay oo laga furay dhul ka mid ah xabaalaha taariikhiga ah ee Ma’man Allaah oo ku yaalla magaalada Qudus, waxa aanay haay’addu sheegtay in furitaanka maqaaxidani ay qayb ka tahay qorshe ay Israa’iil doonayso in ay ku Yuhuudiyeyso wax kasta oo dhulkan ku yaalla oo si uun taariikh ula leh Carabta guud ahaan iyo si gaar ah Islaamka.
Jagada maqaaxidan laga furay oo xabaalahan ka mid ah ayaa ay Israa’iil xoog kula wareegtay tobannaan sano ka hor, waxa aanay u beddeshay beer dadweynuhu ku laydhsado oo ay u bixisay beerta xorriyadda.
Warkan oo uu Kobciye.com ka soo xigtay shabakadda wararka ee Al-Jazeera ayaa lagu sheegay in xabaalaha Ma’manu-llaah waxa ay leeyihiin muhiimad taariikhi ah iyo mid diiniya, waayo dadka ku aasan waxaa ka mid ah tiro ka mid ah asxaabtii Nebi Muxammed (SCW), culimo Islaam oo caan ah iyo Shuhadadii ka qayb qaatay dagaalkii lagu furtay magaalada Qudus xulligii Salaaxu-ddiin Al-Ayuubi.
Maqaaxidan ayaa la sheegay in wax yaabaha ay iibiso ay ka mid yihiin noocyo khamriga ka mid ah iyo waxyaabaha khilaafsan diinteena suuban.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 05:00 and have
