Qodobo Qaali Ah Oo Kuu Fududeyn Doono Siyaabaha Ugu Cajiibsan Ee Aad Ku Hanan Karto Kalsoonida Xaaskaaga.

Qodobo Qaali Ah Oo Kuu Fududeyn Doono Siyaabaha Ugu Cajiibsan Ee Aad Ku Hanan Karto Kalsoonida Xaaskaaga.

daajis.com:- Qof kasta oo dunida ku nooli waxa uu jecel yahay inuu maalin maalmaha ka mida noqdo hooyo ama aabbo, sidaa daraadeed waxaa lama huraan ah in marka qoyska dhidibada loo taagayo uu u baahan yahay in la sameeyo ka fiirsasho badan si loo yareeyo burburka qoyska.

Qoys kasta oo dhidibada loo taagayo waxaa gadhwadeen u ah ninka oo ah masuulka ugu sareeya ee ay talada qosku ka go’do, iyada oo aanu shaki ka jirin hadii ninku noqdo mid aan raaligalin xaaskiisa aanu qoyskaasu ahaanayn mid mudo dheer sii jiraya oo burburi doona.

Sidaa awgeed, si aynu uga hortagno burburka ku yimaada qoyska waxa loo baahan yahay in ninku qaato talooyinkan soo socda, kuwaas oo lamaanaha nolosha wadaagaya u horseedaya inay ku noolaadaan farxad, rayn-rayn inta noloshooda uga hadhsan.

* Ha xumayn xaaskaaga; ka digtoonow inaad xaaskaaga kula kacdo waxyaabaha qalbigeeda ku reebaaya murugada iyo uurku-taalada, kuwaas oo ay adag tahay sida ay u ilowdo nolosheeda, waxaana ka mid ah sida adiga oo caaya ama ceebayn u geysta gabadhaada ama ehelkeeda.

* Si fiican u dhaq, si fiican ha kuu dhaqdee; dareensii xaaskaaga inaad jeceshahay oo aanad ka maarmi karin adigoo nafteeda raali galinaya, haday xanuunsatana ku dedaal caafimaadkeeda, isla markaana aan ka caajisin daryeelka iyo xanaanaynteedaba.

* Is-daji, cadhada iyo xanaaqaaga iska daa; ka digtoonow cadhada iyo xanaaqa faraha badan inaad kula dul dhacdo xaaskaaga, hadii aad gabadhaada ka gardarnaato ka cudurdaaro kana raali gali. Ha seexanin adiga oo u cadhaysan ama ka murugaysan tahay. Ogow waxyaabaha inta badan ku cadho galiya maaha kuwo u qalma inaad xaaskaaga farxadiisa baabi’iso adiga oo shaydaanka iska naaraya, adiga oo ogsoon dhaqanka iyo jacaylka idin dhexyaala adiga oo xaaskaaga inay ka weyn yihiin inay ku wax yeeloobaan cadho iyo is-fahan la’aan aan macno buuran ku fadhiyin.


*kalsooni ku abuur xaaskaaga; Hana ka dhigin sida adeegto waxaad u baahan tahay kuu yeesha, hadalka aad tidhaahdana kaa yeesha, kuna dhiiri inay yeelato shaqsiyad go’aamo iyo fikrado iyada u gaara kasoo baxaan, adigoo kala tashanaya arrimahaaga oo dhan adiga oo ula falanqaynaya si xushmad iyo qadarin leh. Qaado ra’yigeeda hadii uu kuula muuqdo inuu sax yahay, una sheeg inaad ra’yigeeda qaadanaysid, hadii kale oo uu ra’yigaagu kula saxnaado si wanaagsan oo dadnimo leh u fahansii waxaad doonayso ama aad tabayso.

*U mahadcelin iyo Amaan; Ooridaada marka wax qabato ama samayso arrin mudan, waxa haboon in looga mahad-celiso, iyada oo lagu amaanayo. Xadiis laga wariyey Nabigeena suubanaa e Maxamed (S.C.W). ayaa macnihiisu ahaa; ”Qofka aan dadka u mahad-naqini, Illaahayna uma mahad-celiyo.” waxay arintani xaaskaaga ku abuuraysaa kalgacal iyo xushmad, iyadoo farxad gelinaysa qalbigeeda, waxayna u muujinaysaa wanaag iyo ixtiraam dheeraad ah.

*Afadaada ha ceebayn, hana Canbaarayn; Iska ilaali inaad xaaskaaga canaanato, marka ay khaldanto, hadii ay khaldanto waxaad ugu sheegtaa si degan oo qabow, iska jir in aad xaaskaaga barbar dhigto dumarka kale, hana ku odhan haweenka dhigaaga ahi way kaa wanaagsan yihiin ee ku dayo, waayo waxay arintani qalbigeeda ku reebaysaa uur-ku-taalo iyo inay ka shakido heerka uu gaadhsiisan yahay jacaylka aad u qabto.

*Isku Day Inaad Caawiso, Kana Taakulaysid Wax Kasta; Adigoo ku dhiiri galinaya inay aqoon korodhsato, haddii ay doonayso inay dugsi ama jaamacad gasho u fududee oo garab istaag, haddii aanay waxbarashadaasi ka horumarinayn diinta, kana mashquulinayn inay gudato waajibaadkeed marwonimo ee gurigeeda. Haddii ay guul soo hoysana, la farax oo dareensii inaad guusha la wadaagto, haddii ay guuldaraysatana la murugood kuna dhiiri gali inay dadaasho, una sheeg inay dunidu tahay hadhka labadiisa galin, waxayna arrintani xaaskaaga dareensiinaysaa inaad had iyo jeer iyada garab taagan tahay.

*Dareensii Xaaskaaga inay Agtaada Aamin tahay; Xaaskaaga dareensii inay agtaada aamin ku tahay, oo aad adigu diyaar u tahay inaad wax ka qabato duruuf kasta oo ay ka baqayso, adigoo tusaya in aanad waligaa dumar kale ka door bidin. Xaaskaaga dareensii inaad adigu masuul ka tahay mariinkeeda iyo masruufkeedaba, hadii ay xoolo badan leedahay ha ka dulmiyin, waayo xoolaheeda xalaal kuuma aha, hana kaga masuugin. Ogow xaaskaagu si kasta oo ay hanti u leedahay waxay rabtaa inay ogaato dedaalka aad ugu jirto nafteeda iyo sidii aad ugu dhisi lahayd mustaqbal fiican, masuuliyadeedana u qaadi lahayd.

*Iska Jir Inaad Xidhiidh Dhow aad la Yeelato Dumar aan kuu xalaal ahayn: waa inaad iska jirtaa ka ag-dhawaanshaha dumar aan kuu xalaal ahayn, waayo waxay yihiin waxyaabaha ugu badan ee reer dhisnaa ku bur-buro, irintaasina waxay xaaskaaga ku abuuraysaa inay kaa masayrto oo ay qoyskeeda burburiso.

*Isku Dheelitir Jacaylka Xaaskaaga iyo ka waalidkaa; Dhinac kaliya ha u leexanin ee midkasta xaqa uu gu leeyahay sii…..

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada