daajis.com:- Qalbiga qofka mu’minka ah waxa uu iimaankiisu ku kordhaa oo uusiyaadaa marka uu dhegeysto Aayadaha Qu’ranka iyo isagoo si wanaagsanugu fikira aayadaha uu dhegeysanayo ammaba uu akhrinaayo,.
Qalbiga mu’minka waa mid ka soomman kibirka, waxaana ugu wacan in aanu qalbiga mu’minka kibirku meel ku lahayn.
Qalbiga markuu dego kibirku waxa uu qofku noqdaa qof buka oo safiih ah.
Qalbigamu’minku waa mid ka soomman is-cajabinta, is-cajabintuna waa qofka ooisu qaata inuu yahay mid ceeb ka saliim ah oo dhamaystiran, waa qofkaoo isu qaata inuu dadka kale ka wanaagsan yahay, waa isagoo qofku isuqaata inuu leeyahay dhaqan wanaagsan oo dadka kale aanay lahayn,arrimahaasina waa kuwa qofka halaaga. Haddaba, sida cudur kasta uu uleeyahay dawo ayey is-cajabintuna u leedahay dawo, dawaddaasina waaisagoo eega ceebaha uu leeyahay, ogaadana inuu aadame yahay oo aanutaam ahayn.
Waxa dawada ka mid ah inuu dib-u-eego gefafka amakhaladaadka uu sameeyey iyo meel ka dhacyada uu geystay, kuwaas ooqofku illoobay, balse Illaahay ogyahay kuna qoran kitaab wax kasta ugukaydsan yihiin.
Qalbiga mu’minku wuxuu ka soomman yahayxaasidnimada; waa xaasidnimadu camalka saalixa ah. Waxa kale oo ayxaasidnimadu bakhtiisaa nuurka qalbiga. Xaasidnimadu waxay carqalad kutahay waddada toosan ee Illaahay laagu dhawaado.
Waxa qof kastaoo mu’mina ah ama muslina ah looga baahan yahay in uu qalbigiisu kasoommo dhamaan dhaqannada ka fogaynaya Illaahay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 02:30 and have

