Sidee Ku Noqon Kartaa Qof Dadkoo Dhan Jaceyl Yihiin Farxadana La Saaxiib Ah “Kobci Maskaxdaada”.

Sidee Ku Noqon Kartaa Qof Dadkoo Dhan Jaceyl Yihiin Farxadana La Saaxiib Ah “Kobci Maskaxdaada”.

daajis.com:- Shabakada kobciye.com waxey kuusoo gudbineysaaa labaatan qodob oo cajiib ah xikmadna ku wada fadhiyo ka faaideysi wacan.

1 – Ku kalsoonow naftaada

2- iska ilaali furaha guul-darada oo ah inaad hawlaha dib u dhigato ama aad tidhaa hadhow ayaan qaban doonaa.

3- iska ilaali marka aad go,aan qaadaneyso inaad dhiiran weydo.

4- Ha ku lumin wakhtigaaga adoo doonaaya inaad waxyaabo badan takhasus u yeelato,taasi waxay kaa dhigeysaa qof aan weli dhadhamin midhihii guush.

5- bixi sadaqada haba yaraatee,waxay farxad gelisaa qalbiga,waxaanay kaxeysaa murugada,waxaanay kordhisaa risqiga

6- ku dayo Nebi Maxamed(NNKHA),isaagaa ah hogaamiyihii guusha iyo farxadda

7- booqo xarumaha caafimaadaka iyo jeelasha,,si aad u dareento nimcada caafimaadaka iyo xoriyada.

8- iska ilaali inaad dhibaatada xajmigeeda ka weyneyso.

9- isku day inaad cudur daar ka raadiso qofka ku xumeeyay,iskana ilaali aargoosiga.

10- iska ilaali inaad cadawgaaga tusto cadhadaada,waayo waa inta ay doonayaan inay tashuush kugu furan.


11- markaad dadka la fadhido u fadhiiso qaab wanaagsan,ha ku hadlin waxaan kheyr ahayn,wejigaaga fur,ixtiraam dadka kula fadhiya,dhegeyso sheekadooda hana ka dhex gelin.

12- ha noqon sida duqsiga oo aan ku fadhiisan ama aan ku joogsan meel xun mooyaane meel kale,waxna ha u dhibin dadka nasabkooda,hana raadin ceebtoda.

13- iska ilaali jacaylka aan xadka lahayn,waayo waa u cadaab qofka,waana xanuun ku dhaca qalbiga.
14- ha eegin waxyaabaha xaaraanta kaa ah.

15- nidaami xiliyada aad wax cunto,waxna ha cunin adoo dheregsan.

16- markaad cadhooto aamus,oo shaydaanka iska naar,bedel meesha aad ku cadhootay,hadaad taagantahayna fadhiiso.

17- ogow inaad ku fikirto wixii ku dhaafay inay ka dhigantahay adoo ka fikiraaya sidii aad caano naas ka soo baxay aad ugu celin lahayd.

18- ogow in wixii kugu dhacaa aanay marna ku gafeen,wixii ku seegaana aanay marna kugu dheceen.

19- hadii khasaare kugu dhoco isku day inaad guul u bedesho oo ha quusan.

20- Ha ka fikirin waxyaabo khiyaali ah,si aanay kuugu furmin togoga murugada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada