Ajnabi laga dilay Al-shabaab , labo nolosha lagu qabtay & 6 la raadinayo (Akhriso)

Ajnabi laga dilay Al-shabaab , labo nolosha lagu qabtay & 6 la raadinayo (Akhriso)

daajis.com:- Saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in toogasho lagu dilay sarkaal ka tirsan ajaaniibta Alshabaab ka barbar dagaalanka xilli uuku sugnaa duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Saraakiisha ayaa sheegay in ruuxa ajnabiga ee la toogtay uu u dhashay dalka Pakistan uuna kamid ahaa xubnaha ajaaniibta ee ka tirsan ururka Alshabaab, kuwaasi oo in badan ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

Sarkaalka Pakistaniga ah ee ka tirsanaa Alshabaab ayaa sida saraakiisha lagasoo xigtay waxaa lagu dilay deegaan qiyaas ahaan 30 km u jira degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Ma jiro war kasoo baxay dhanka ururka Alshabaab oo ay ku xaqiijinayaan ama ku beeninayaan sheegashada saraakiisha ciidamada dowlada ee dilka sarkaalka u dhashay dalka Pakistan.

Dhanka kale wararka aan ka heleyno dalka Kenya ayaa sheegaya in ciidamada amaanka Kenya gacanta ku dhigeen saraakiil ajaaniib ah oo doonayay iney ku biiraan dhanka ururka Alshabaab.

Saraakiisha oo u dhashay dalka Tanzania ayaa doonayay iney kasoo gudbaan xuduuda Kenya iyo Soomaaliya si ay ugu biiraan ururka Alshabaab, laakiin waxay kasoo kordhaceen bar Control oo ciidamada Kenya leeyihiin.


Kenya ayaa baadi goob ugu jirto lix ruux oo la sheegay iney ka tirsan yihiin Alshabaab kuwaasi oo diyaariyay dagaal ka dhaca gudaha dalka Kenya inta roobabka ka da’ayaan xuduudaha labada dil sida warbixin Kenya soo saartay lagu sheegay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada