daajis.com:- Australia waxay beenisay eedaynta markii u horeysay oo ay soo baxeen. laakiin hadda ururka u ololeeya xuquuqda bani aadanka, Amnesty International, waxay sheegtay inay hayso daliil cad iyo cajal video ah oo taageeraya in saraalkiisha Australia ay lacag siiyaan kooxaha tahriibka ka shaqeysta, si dib loogu celiyo dadka doonyaha ku soo tahriiba oo halkii ay Australia iska dhiibi lahaayeen loo jiheeyo dhanka dalka.
Bishii May, sida ay sheegtay Amnesty International, saraakiisha Australia waxay dhexda ka qabteen dooni sidday 65 qof oo muhaajiriin ah, waxayna shaqaalihii doonta siiyeen lacag dhan 30 kun dollar.
Sida la sheegay dhamaman dadkii tahriibka ahaa waxaa lagu wareejiyey dooni kale oo yar, kadibna shaqaalihii doonta ayaa la siiyey Khariidad muujinaya halka ay Indonesia ka xigto si ay u geeyaan dadka tahriibka ah.
Nin u hadlay dawladda Australia wuxuu ku tilmaamay eedaha kuwa magaca looga dilayo dawladiisa.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 04:30 and have

