daajis.com:- Wasaarada Gaashaandhiga Mareeykanka, ayaa soo bandhigtay Muuqaal Video ah oo muujinaya howlgalkii ay ciidamada Qaaska Mareeykanka iyo xoogaga Kurdiyiinta Ciraaq 70 Maxbuus oo Daacish dil ugu xukunaa looga soo badbaadiyay.
Howlgalkan oo mudo daqiiqado ah socday, ayaa waxaa lagu soo furtay 70 Maxbuus oo Kurdiyiin ah kuwaasoo la doonayay in isbuucaan la dilo, sidoo kale howlgalkan waxaa ku dhintay mid kamid ah ciidamada Qaaska Mareeykanka iyo qaar kamid ah dagaalyahanada Daacish, sidoo kale waxaa lagu soo qabtay 5 kamid ah dagaalyahanada Daacish.
Askariga ka dhintay Mareeykanka, ayaa noqonaya askarigii ugu horeeyay ee Mareeykanka uga dhinta gudaha dalka Ciraaq, tan iyo sanadkii 2011 markaasoo ciidamada Mareeykanka gabi ahaanba ay faarujiyeen dalkaas.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:00 and have
, Published at