Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku sii jeeda Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku sii jeeda Boqortooyada Sacuudi Carabiya

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta u ambabaxo magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudiga Carabiya, kadib markii uu caasumaad rasmi ah uu ka helay boqorka Sacuudiga.

Booqashada Madaxweynaha oo qaadan doonta labo cisho ayaa waxaa ku wehliya Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Maaliyadda, Warfaafinta iyo xubno kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Boqorka Sacuudiga ayaa ka wada hadli doona arrimaha xiriirka labada dal, iskaashiga dhanka amniga, dhaqaalaha iyo xaalada dalka Yemen.

Sacuudiga ayaa hogaaminaya Isbaheysiga Carbeed ee dagaalka kula jira Mucaaradka Xuutiyiinta, waxaana Sacuudiga uu taageero u raadinayaa dagaalkiisa Yemen.

Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis ayaa dalkiisa ku casuumay Madaxweynaha Jabuuti iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, waxaana ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu weyn tahay ammaanka Geeska Afrika.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada