daajis.com:- Kulan ay soo qaban qaabiyeen hay’adda Culimada Soomaaliyeed, loogana hadlayay waxa ay shareecada Islaamka ka qabto shaqsiyaad Soomaaliyeed oo sheegtay inay ka baxeen Diinta Islaamka, isla markaana lagu baahiyay barashada ay wadaagto ayaa waxaa ka qeybgalay culimaa’udiin, ugaasyo, aqoonyahanno, waxgarad iyo qeybaha bulshada, kaasi oo lagu qabtay Muqdisho.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Culimaa’udinkii iyo aqoonyahanadii ka qeybgalay kulanka ayaa waxa ay si wada jir u tilmaameen in Diinta Islaamka diin aan ahayn oo Alle agtiisa loogu dhawaanayo aysan jirin, waxaana ay hoosta ka xariiqeen in dastuurka KMG ah ee dalka ay ku caddahay in Diinta Islaamka diin aan ahayn lagu faafin karin gudaha dalka, dowladdana looga fadhiyo inay ka hortagto shaqsiyaadka dhaawacaya jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:00 and have
, Published at