daajis.com:- Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ilaalo xoogan waxa ay ka hayaan Diyaaradii xalay kusoo dhacday deegaanka Carbiska ee Duleedka Magaalada Muqdisho.
Diyaaradan oo lagu magacaabo Tri-Star Air Cargo, ayaa xalay ku dhacday Deegaanka Carbiska kadib markii ay awoodi weysay in ay ku degto Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana diyaaradan qeybo kamid ah soo gaaray bur bur xoogan.
Ciidamo katirsan AMISOM oo saldhig ku leh Deegaanka Carbiska ayaa isku gadaamay halka ay diyaaradu ku dhacday,waxa ayna Ciidamada AMISOM Wariyaal tagay goobta diyaaradu ku dhacday u diideen in ay gudaha u galaan.
Diyaarada xalay soo dhacday oo aheed nuuca xamuulka qaada ayaa alaabo kala duwan u waday Ciidamada AMISOM, waxaana lagu wadaa in laga dajiyo alaabta diyaarada saaran oon wali la ogeyn waxa ay tahay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:15 and have
, Published at