daajis.com:- Nin Cunsuri ah oo watay Midi ayaa shalay weerar ku qaaday si darana u dhaawacay Haweeney Siyaasiyad aheed una sharaxneyd Duqa Magaalada Konl ee Dalka Jarmalka .
Henriette Reker, oo aheed Haweeney caan ka aheed Magaalada Koln ayaa dhaawac halis ah waxaa u geestay nin cunsuri ah oo toorey watay, ninkan ayaana kamid ahaa Cunsuriyiinta kasoo horjeeda in Jarmalka qaabilo dadka Muhaajiriinta ah.
Dhaawaca Henriette Reker, ayaa lagu daweenayaa isbitaal weyn oo kuyaala Jarmalka, waxaana la sheegay in haweeneydan qaliin lagu sameeyay laguna dadaalayo sidii loo baxnaanin lahaa, waxaa sidoo kale Weerarka lagu qaaday haweeneydan ku dhaawacmay Sadax qof kale oo rayid ahaa.
Ciidamada booliiska ayaa gacanta ku dhigay ninka tooreyda ku dhaawacay Haweeneyda u sharaxneyd Duqa Magaalada Koln, waxa uuna ninkan u sheegay booliiska sababta uu u weeraray haweeneydan ay tahay in uu kasoo horjeedo Siyaasadeeda ku aadan soo dhaweynta dadka Muhaajiriinta ah.
Henriette Reker, oo iyadu u sharan Duqa Magaalada Koln ayaa taageero ka heesata Xisbiga talada Dalka Jarmalka haya CDU, kooxaha Xagjiriinta dalka Jarmalka ayaana xisbigan ku eedeeya soo dhaweynta dadka muhaajiriinta ah dalkaasi kusoo qul qulaya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:07 and have
, Published at