daajis.com:- Isnintii ayaa waxaa lagu marti qaaday Aqalka Cad ee Maraykanka “Axmad (Aradaygii Saacadda) kadib markii uu marti qaad U Fidiyay Obama Axmed iyo Culamda hay’adda Nasa
Canugan oo dhalashadiisu kasoo jeeddo dalka Suudaan laakiin Maraykan ah ayaa ah 14 jir, maalintii isniita ayaa lagu marti qaaday guriga cad ee Maraykanka , habeen la xusayay habeenka Cirbixiyeenada , waxaa kale oo la marti qaaday arday kale iyo Macallimiin iyo culumada hay’adda Cirbixiyeenada Maraykanka ee Nasa.
Booqashadan ayaa timid markii Axmed uu marti qaad ka helay Madaxweyne Obama oo ka marti qaaday Twitterkiisa “Axmad Waxaad samaysay Saacad fiican , ma jeceshahay inaad iigu keento Aqalka cad oo aad igu tusto halkaas , waa in caruurta dhiiri galinaa si ay cilmiga u jeclaadaan, waana tan ka dhigaysa maraykanka dowlad wayn”.
Obama ayaa hadal uu ka jeediyay goobta ku sheegay :”Nasa waxay ka shaqeynaysaa inay qalab casri ah samayso oo lagu tago meeraha la yiraahdo Mars sanadka 2030, taana macneheedu waa in dhalinyarada halkan caawa jooga in qeyb ka mid ah ay ka shaqeyn doonto mashruucan maxaayeelay Maraykanku wax kasta wuu awoodaa”.
-Axmed iyo Qoyskiisa ayaa raadinaya iskuul wanaagsan oo horumar fiican gaarsiin kara, Axmed ayaa danayanaya inuu noqdo Injineer isla markaana uu ku biiro Machadka Massachusetts Institute oo ah Teknolojiyada caalamka ugu haysta, waa sida usheegay jariirada la yiraahdo Daily Mail.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:00 and have
, Published at