Daawo Sawirada ” Shahaado Sharaf Qiimo badan oo la gudoonsiiyay Ganacsade Soomaaliyeed oo Caan ah

Daawo Sawirada ” Shahaado Sharaf Qiimo badan oo la gudoonsiiyay Ganacsade Soomaaliyeed oo Caan ah

daajis.com:- Waxaa maalintii shalay Magaalada Muqdisho lagu qabtay Munaasabad lagu soo dhaweenayay Shahaado Sharaf qiimo badana lagu gudoonsiinayay Ganacsade Cabdi Cali Faarax, oo kaalin muuqata ka qaatay gurmadkii loo sameeyay Qaxootigii Soomaaliyeed ee ku go’doonsanaa Dalka Yaman.

Munaasabadan waxaa soo qaban qaabiyay Guddiga samata bixinta qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Yaman, waxaana munaasabadan kasoo qeyb galay Ugaasyo, culimaa’udiin, ganacsato, ururada bulshada rayidka, haween iyo marti sharaf kale.

Intii ay socotay Munaasabadda waxaa ka hadlay qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaasi oo mahadcelin balaaran u jeediyay ganacsade Cabdi Cali Faarax, sida uu ugu gurmaday muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Yemen ku xanibnaa, waxaana ay intaa ku dareen in bulshada Soomaaliyeed aysan iloobi doonin abaalka uu u galay.

Ku-simaha Gudoomiyaha Guddiga samata bixinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa tilmaamay in Ganacsade Cabdi Cali Faarax uu yahay muwaadin ku dayasho mudan, waxaana uu baaq u diray ganacsatada kale ee Soomaaliyeed inay wax u qabtaan walaalahooda dhibaateysan.




Ganacsade Cabdi Cali Faarax oo isna Munaaasabada hadal kooban ka jeediyay ayaa uga mahadceliyay Guddiga samata bixinta qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen sida ay ugu garteen inay shahaado sharaf guddoonsiiyaan, waxaana uu intaa ku daray in markasta ay ka go’antahay caawinta bulshada Soomaaliyeed.

Gabo gabadii Munaasabada ayaa Shahaado Sharaf qiimo badan waxaa la Gudoonsiiyay Ganacsade Cabdi Cali Faarax, Shahaadadan ayaana noqoneysa tii Shanaad oo la gudoonsiiyay Ganacsadaha deeqsiga ah ee gacanta ka geestay soo bad baadinta Kumanaan Soomaali ah.

Ganacsade Cabdi Cali Faarax ayaa markab uu leeyahay oo lagu Magacaabo Nawaal 3 , waxa uu u diray Dalka Yaman si uu uga soo qaado kumanaan Soomaali ah oo dalkaasi ku go’doonsanaa, Markabka ayaana si lacag la’ana dalkaasi uga soo qaaday ku dhawaad 10-kun oo qaxooti Soomaaliyeed ah kuwaa oo u badnaa haween , Caruur iyo dad da’ ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada