Dib u habaynta Lacagta Shillin Soomaaliga iyo soo daabicida lacag cusub oo laga hadlay

Dib u habaynta Lacagta Shillin Soomaaliga iyo soo daabicida lacag cusub oo laga hadlay

daajis.com:- Shir balaaran oo ay isugu yimaadeen Guddiga Maamulka Maaliyadda ee dowladda Soomaaliya iyo khubaro ka socota hay’ada lacagta IMF ayaa looga dooday qaabka ugu haboon ee lacag shilin Soomaali ah dalka loogu samayn lahaa, dhibaatooyinka ka dhalan kara hadii la soo daabaco lacag been abuur ah iyo wada tashi balaaran oo laga yeesho habka loo wajahayo samaynta lacag shilin Soomaali ah oo cusub.

Guddiga ayaa faah faahin dheer ka bixiyay cida xaqa u leh in ay soo daabacdo lacag badali karta shiling Soomaaliga sii dabar go’aya, iyo dhibaatooyinka ka imaan kara hadii aan laga yeelan wada tashi buuxa, loogana danbayn cida xaqa u leh ogolaanshaha soo daabicida lacagta shilin Soomaaliga ah.

“Bangiga dhexe ee Soomaaliya waa hay’adda kaliya ee haysata ogolaansho lagula soconayo arrimaha la xariira lacagta shillin Soomaaliga ah, waxaa sidoo kale qayb ka ah dib u habaynta lacagta iyo wixii ku tacaluqa shiling Soomaaliga, Bangiga wuxuu wada shaqayn dhow la leeyahay taageero farsamana ka helaa Hay’ada Caalmiga ah ee Lacagta (IMF) si loo dhiiri galiyo loona dhigo asaaska sahli kara ugu danbayn in loo helo dib u habayn dhab ah oo lagu sameeyo lacagta shillin Soomaaliga”ayay sheegeen Guddigu.

Guddiga Maamulka Maaliyada (FGC) ayaa sheegay in soo saarista lacag shilin Soomaali ah ay qayb ka tahay howlaha loo igmaday Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, talaabo kasta oo ka hor imanaysa sharciga u yaala Bangiga Dhexe waxay daciifinaysaa habsami u socodka dib u habaynta lacagta shilin Soomaaliga. soo saarida lacag been abuur ah waxay dhaawacaysaa hawsha dib u habeynta shilinka Soomaaliga waana in cid walba ka dignootaa.

Waxaa ay Guddigu ka digeen in lacag been abuur ah oo hada la daabaco inay sababi karto khal khal dhaqaale oo dalka ka dhaca iyo sare u kac ku yimaada shilinka Soomaaliga oo sanadiihi ugu danbeeyey ahaa mid fadhiya.

Guddiga Maamulka Maaliyada ayaa waxaa aas aasay dowaldda Soomaaliya iyo waxaana xubno ka ah khubaro ka socota deeq bixiyayasha caalamka si loo sii ambaqaado maamulka arrimaha maaliyadda dalka, waxaana shaqadoodu tahay la socodka maamulka lacagta, dowlad wanaaga iyo habsami u socodka bankgiyada Dalka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada