daajis.com:- Kooxo hubeysan ayaa xalay ku toogtay afaafka hore ee Masjidka Jaamaca ee magaalada Cabduwaaq Mu’adinka masjidka Allaha u Naxariistee Marxuum Macalin Farxaan Maxamed Salaad. Lama oga cidda ka dambeysay dilka Mua’adinka iyadoo maamulka degmada Cabudwaaq ay sheegeen inay baaritaan ku sameyn doonaan dadkii ka dambeeyay dilka ayna sharciga horkeeni doonaan.
Sheikh Cabdirisaq Warsame Fiqi oo ka mid ah gudiga masaajidka ayaa maanta salaadii duhhur waxaa uga tacsiyeeyay muslimiinta geerida ku ku timid marxuunka shir jaraa’id oo maanta lagu qabtay Masjid Jaamaca Imaamu Shaafici ee Magaalada Caabudwaaq.
Waa markii ugu horeysay ee lagu dilo mua’din masjid magaalada Cabudwaaq ee gobolka Gedo. Waxana arrinkan aad uga xumaaday guud ahaan shacabka ku nool magaalada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:23 and have
, Published at