Dagaalyahano al-shabaab ka tirsan oo Baasabooro ka qaatay Garowe

Dagaalyahano al-shabaab ka tirsan oo Baasabooro ka qaatay Garowe

daajis.com:- Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dagaalyahano ka tirsan al-shabaab ay Baasabooro ka qaateen magaalada Garowe ee Xaruunta maamulka Puntland.

Wasiirka amniga maamulka Puntland, Cabdi Xersi Qarjab, ayaa sheegay ineey hayaan shaqsiyaad damiintay dad Baasabooro ka qaatay Garowe, kuwaasoo lasoo ogaaday ineey ka tirsanaayeen ururka Nabad diidka al-shabaab.

Wasiirka amniga ayaa qiray in arrintaan ay keentay habacsanaan iyo maamul xumo ka jirta Xafiiska Baasaboorada iyo Jinsiyadaha maamulka Puntland, waxaana uu ku baaqay in la xoojiyo, si loo ogaado cid walbo soo galeysa deegaanada Puntland ama ka baxaysa.

Ugu dambeynti wasiirka ayaa digniin u jeediyay dadka damiinta, waxaana uu sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono cidii damiinata ruux al-shabaab ka tirsan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada