daajis.com:- Xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka oo ku sugnaa bariga dhexe maalmahan si xal looga gaaro dhibaatada sii baaheysa ee ciidamada Yuhuuda ka wadaan dhulka Falastiiyiniinta.
John Kerry ayaa Sabtidii shalay soo gabagabeeyay wada hadalo uu la lahaa madaxda Bariga dhexe, kuwaas oo ku saabsanaa deganaansho la’aanta sii badanaysay ee ka dhex jirtay Israeliyiinta iyo Falastiiniyinta. wuxuuna sheegay in ay jirto rajo lagu doonayoi n bog cusub la furo, taas oo dhibaato kasta lagu xalinayo.kerry-urdun-1
Kerry ayaa Sabtidii shalay sidoo kale sheegay in Israel iyo Urdun ay ku heshiiyeen arrimo dhowr oo lagu qaboojinayo gacan ka hadalka ka jira magaalada Qudus, sida in video meel fog laga arki karo lagu xiro goobaha barakaysan ee magaalada Qudus ee ugu yeerto Temple Mount, muslimiintuna ay u yaqaanaan Xaram al-Shariif.
Arintaani ayuu sheegay Mr. Kerry in ay keenayso in si buuxda loo arko waxa socda iyo cida dhibaato geysanaysa, taasina ay qof kasta ka horjoogsanayso inuu wax u dhimo muqaddasnimada dhulka barakaysan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:27 and have
, Published at