daajis.com:- Xilli maalmihii ugu dambeeyey ay sii xoogaysanayeen khilaafyada siyaasadeed ee u dhaxeeya masuuliyiinta sar sare ee maamulka Puntland isla markaasna arbacadii aynu soo dhaafnay ee 28 bishani October uu isku casilay gudaha magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa waxaa deegaanka Buura-wadal ee gobolka Nugaal kusoo gaba gaboobay maalin ka hor kulan saddex geesood ah oo u dhaxeeyey madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. C/xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, 17-ka xildhibaanad ee kasoo jeeda deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn iyo weliba sidoo kale qaar kamid ah wasiirada ka tirsan xukuumadda madaxweyne ee ku abtirsada deegaanadaasi.
Ujeedka kulankaasi oo lagu sheegay in looga tashanayey aayaha qaran ee deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa waxa ay isla qaateen dhinacyadii ka qayb galay kulankaasi in la xisaabtan dhamaystir lagala sameeyo madaxweynaha Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas balanqaadyadiisii doorashada Puntland ee ku aadanaa deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn isla markaasna uu madaxweynuhu cadeeyo siyaasadiisa ku aadan deegaanadaasi iyo waxqabadkiisa xukuumadd ahaan, hase yeeshee muhiimada ugu horeysa ay tahay in uu ka dhabeeyo madaxweyne Gaas dib u soo celinta magaalada Laascaanood lana meel mariyo waxqabadka deegaanada kale ee goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn.
Dhinacyada ku kulmay deegaanka Buura-wadal ee gobolka Nugaal ayaa isla soo hadal qaaday in mooshin ka dhan ah xuukuumadda madaxweyne Gaas la hor geeyo xarunta Baarlamaanka Puntland waa hadii uu madaxweyne Gaas fulin waayo balanqaadyadiisiiye sida uu u sheegay Wakaaladda Mucaaradnews.com mid kamid ah xildhibaanadii ka qayb galay kulankaasi.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. C/xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay ayaa isna dhankiisa balanqaaday in hadii uu madaxweyne Gaas wax ka badalin siyaasadiisa deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn isla mar ahaan taana uu fulin waayo madaxweynuhu balanqaadyadiisii doorashada oo kamid ahaa in magaalada Laascaanood uu gacanta ku dhigo doono uu iska casilayo xilka madaxweyne ku xigeenka Puntland iskagana laaban doono dalka Maraykanka.
Xildhibaanada iyo wasiirada kasoo jeeda deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa iyaguna dhankooda waxa ay sheegeen in ay iskaga wada dareeri doonaan maamulka Puntland hadii xukuumadda madaxweyne Gaas aysan wax ka qaban dalabkoodu ku aadan deegaanada ay kasoo jeedaan, waxaana xiisadani haatan ka dhex taagan maamulka Puntland ay imaanaysaa xili dhawaan safaro wacyi galin ah uu ku tagi doono deegaano ka tirsan goboladda Sanaag iyo Hayland gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire oo haatan u muuqda mid siyaasad ahaan ay isku dhow yihiin madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. C/xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, xildhibaanada iyo wasiirada kasoo jeeda deegaanada Dhulbahante ee kulanka ku sheegay deegaanada Buura-wadal kuwaas oo halis ay tahay hadii ay midoobaan waxaana macquul ah in dabayaaqada sanadkani ay iska casilaan xukuumadda madaxweyne Gaas wasiiro iyo madax badan oo kasoo jeeda deegaanada Sool, Sanaag, Cayn iyo Hayland kuwaas oo tirsanaya maamulka Puntland cadaalad daro iyo waxqabad la’aan ku aadan deegaanada ay kasoo jeedaan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 10:30 and have

