daajis.com:- Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, mudane C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa wuxuu xaqiijiyay in diyaarad nooca yar ayar ah ay maanta ku soo dhacday Deegaanka Cumar Beere oo qiyaastii 10km u jirta Degmada Afgooye.
Gudoomiyaha waxa uu sheegay inay wadaan baaritaano la xiriira cidda iska leh diyaaradaasi, wax walbana ay kala cadaan doonaan saacadaha soo socda, sida uu yiri.
Gudoomiyaha ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ay ciidan u direen Deegaankaasi, iyadoo Xoogaga Ururka Al Shabaab ay gacanta ku dhigeen diyaaradaasi.
C/qaadir Siidii ayaa ku sheegay in goobta ay diyaaraddu ku soo dhacday uu roob ka da’ayo, isagoona muujiyay inay adag tahay in Ciidanku ay horey u gaaraan halkaasi.
Illaa iyo hadda lama garanaayo waxa ay ku sugan yihiin duuliyihii diyaaradaasi iyo rakaabkii kale ee la socday. Sidoo kalana lama garanayo cidda dhabta ihi ee diyaaradaasi leh.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 17:17 and have

