Israsaasayn ka dhalatay khilaafka haamaha shidaalka Berbera

Israsaasayn ka dhalatay khilaafka haamaha shidaalka Berbera

daajis.com:-Xiisadda ka dhalatay cidda maammulaysa haamaha shidaalka Berbera ayaa cirka isku shareertay

Booyad shidaal oo mareysay wadada u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera ayaa maanta dabley ay rasaas la dhaceen, sida gudoomiyaha gobolka Saaxil ee Berbera Fahmi Cabdi Bidaar uu BBC u xaqiijiyay goor dhoweyd
Waxaa kaloo gudoomiyuhu uu cadeeyay in dabley kale iyana rasaas ka rideen saaka wadada u dhaxaysa Berbera iyo magaalada sheekh .

Wuxuu intaa ku daray gudoomiyuhu inay garanayaan dhallinyarada wadooyinka ka baxa berbera rasaasta ka rideysa, oo imikaba ayuu yidhi ay ciidamo boliis oo ka soo kala baxay Berbera iyo Hargeysa ay ku raad joogaan dhallinyaradaasi.

Shan nin oo ka soo jeeda dadka deegaanka Berbera ayaa midkiiba min hal bil oo xadhig ah ay ku xukmeen gudiga nabad gelyada ee gobolka Saaxil , sida uu BBC u xaqiijiyay gudoomiyaha gobolku Fahmi Cabdi Bidaar .

Guddoomiyaha ayaa sababta raggaasi loo xiray ku sheegay inay tahay iyagoo abaabul ciidan ka waday wadooyinka ka baxa magaalada Berbera .

Warar madax banaan ayaa sheegaya in dadweynaha deegaanka Berbera badidoodu ka soo horjeedaan go'aanka xukuumaddu ugu wareejisay haamaha keydka shidaalka ee Berbera sharikao ganacsi oo aan tartan furan u soo marin , iyadoo Baarlamaankuna hore cod aqlabiyad ah uu ku diiday wareejinta haamaha shidaalka ee Berbera .

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada