Xog Hoose: Masar la Sheegay inay halis ugu jirto Sida Soomaaliya oo kale.

Xog Hoose: Masar la Sheegay inay halis ugu jirto Sida Soomaaliya oo kale.

daajis.com:- Madaxa Diiwaan-hayaha Qasriga Madaxtooyadda dalka Raashiya, Seerji Ifanoofayaa sheegay inay Masar khatar ugu jirtay sannadkii 2012-kii inay noqoto Somalida Labaad, kana dhacaan Colaado iyo Burbur Dowladeed.

Seerji Ifanoof ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wakaalladda Wararka Raashiya ee TASS, wuxuuna intasi ku daray inuu Madaxweynaha haatan ee Masar. C/fataax Alsiisii uu badbaadiyey dalkiisa xilligaas oo uu ahaa Wasiirkii Gaashaandhiga ee Masar.

Dhinaca kale,  Madaxa Diiwaan-hayaha Qasriga Madaxtooyadda dalka Raashiya,Seerji Ifanoof waxa uu eedeyn u jeediyey Telefishinka CNN-ka ee laga leeyahay Maraykanka oo uu sheegay inay qaab qaldan uga hadli jireen Rabshadihii ay Akhwaanul-muslimiinka Masar ka wadeen Qaahira sannadkii 2012-kii.

Waxa uu intaasi ku daray inay CNN ku tilmaami jirey Akhwaanul-muslimiinka Dad Dimuqraadiyad-doon ahaa, balse ay  Raashiya u aragto Kooxdaasi waxa uu ugu yeeray Argagixiso.


Hadalka Mas’uulkaasi ayaa ku soo beegmayo iyadoo ay dadka Masaarida dooranayaan Barlamaanka Cusub ee uu dalkaasi yeesho muddo 3-sanno kadib.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada