daajis.com:- Xulka Chile ayaan wali dhulka dhicin wuxuuna ku socdaa dardar madama uu isagoo marti ah guul kasoo helay xulka Peru kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka Aduunka 2018 wadamada Latin America.
Chile waxey goolasheeda kaga mahad celineysaa xidigaha Eduardo Vargas iyo Alexis Sanchez kuwaas oo min laba gool dhaliyay, balse kaliya farqi gool ah ayey ku garaaceen dhigooda inkastoo Peru ay ciyaarta badi ku ciyaarayeen 10-ciyaartoy.
Weeraryahanka Arsenal Alexis Sanchez ayaa bilaabay bandhiga goolasha xulka Chile daqiiqadii 7-aad ee ciyaarta, balse sadex daqiiqo kadib Jefferson Farfan ayaa ka diiday kaas oo gool barbardhac ah u dhaliyay xulkiisa Peru.
Christian Cueva ayaa laga saaray ciyaarta daqiiqadii 23-aad ee ciyaarta, waxeyna Peru noqdeen 10-xidig, balse si lama filaan ah ayey hogaanka u qabteen markii rigoore lagu abaalmariyay waxaana gool u badalay Jefferson Farfan daqiiqadii 36-aad ee ciyaarta.
Ka hor dhamaadka qeybta hore ciyaarta Vargas ayaa gool barbardhac ah u dhaliyay xulka Chile daqiiqadii 41-aad, balse daqiiqadii 44-aad ayuu Sanchez mar kale hogaanka u dhiibay xulkiisa Chile.
Eduardo Vargas ayaase ugud ambeyntii soo afjaray rajada xulka Peru markii uu daqiqiadii 49-aad ee ciyaarta dhaliyay goolkiisii labaad ee ciyaarta.
Ugu dambeyntiina Jose Paolo Guerrero ayaa gool usoo celiyay balse Peru ugama filnaanin iney hesho barbardhac.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:47 and have
, Published at